Buuga kan waxa uu qoray qarnigii 19aad, xiligaas oo imbraadooriyadii Biritan ay ku fidsanayd dunida daafaheeda. Qoraagu waxa uu ka yagleelay buuga xusuus qorkiisii mudadii uu safarka ku ahaa Saylac ilaa Harar ilaa Barbara iyo degaanka intaa u dhaxeeyay.
Richard Burton waqtigii uu jibaaxayay dhulkaasi soomaaliyeed waxa uu aad ugu fiirsaday dhaqanka dadka iyo qaabka loo abuuray degaanka ay ku noolyihiin. Duunyo iyo nool waxa ay haysteen, caadooyinkooda, diintooda iyo aanooyinka dhex yaalay beelahaas soomaaliyeed iyo Sidoo kale-na Afka Soomaaliga.Waxa aan ula dhacay sida qotada dheer ee uu ugu fiirsaday degaanka iyo dadkaba, marar badan waan ku diirsaday kuwa kale-na waan ka diday.
Judha koowad ee buuga akhrigiisa bilawdaba, waxaad dhadhansanysaa qab Reer-galbeedaysan ama aragta Yurubiyaanka ah ee qoraaga. Waxa si liidis ah uu u xusayaa Soomaalida xiligaas noolayd ee uu la kulmay. qaab qalalan oo ka madhan fahan fayaw ayuu uga hadlayaa cadooyinka uu la kulmay, waxana aad u saamaynsay qoraaga af-lagaadadii iyo kutidhi-kuteentii uu ka soo maqlay carabtii ku noolayd qarka kale ee badda cas sida ereyo af-lagaado ah oo carabtaasi soomalida ku yeedhi jireen, "Bilaadul-wax i sii" oo salka ku haya in soomaalidu yihiin dad caydh ah oo wax waydiisi badan.
Sidoo kale waxa uu ku fudaydistay dhaliilista soomalida, tusaale ahaan waxa uu si degdeg ah u daadifeeyay aragtida dadkii degaankaas qabeen oo ahayd in Kaneecadu ay keento qandho halis ah (Malaria). Gamaanka Soomalida iyo fardo-fuulistooda ayuu sidoo kale aad uga dayriyay oo ku tilmaamay soomaalida dad aan gamaanka waxa uu galo iyo waxa uu gudaba aan garanayn. Inkasta oo aanan aad ugu eedayn karin arrinta gamaanka waayo suugaanteeda ma uu maqal ee waxa uu arkay uun fardafuulka soomaalida, laakiin uma uu tixgalin baahiyaha gaarka ah ee dagaankan gubanka ah ee milica iyo buurta badani uu khasab yeelay in koore aad u fudud oo aan culays iyo huur toona ku ahayn faraska la adeegsado.
Guud ahaan buugu waa il-taariikheed hodan ah oo si uun looga dheegan karo noloshii iyo degaankii waagaas haba koobnaatee. Dadka iyaguna xiiseeya dhiraha iyo ugaadhu, qoraagu waxa uu buugu si firidhsan u xusayaa dhiraha kala duwan ee uu degaan kasta kula kulmay iyo ugaadhii ku dhaqanayd dagaanadaasi.