Yibirkii Laas-Burgaabo waa buug Mala-awaal ah laakiin si xiisadaysan u qaadaadhigaya arrinta badiyaa soomaalidu indhaha ka meermeeriso ee Hayb-sooca. Buugu waxa uu ku qoranyahay afka Ingiriisiga, Qoraagu waa Maxamuud Geeldoon Waana aqoonyahan ku xeel-dheer cilmiga fiisigiska, gaar ahaan laantiisa la hal-maasha caafimaadka,waxa uu ku dhaqanyahay carriga Isu-tagga Maraykanka. Buugga kani waa mid-kiisii u horeeyay ee daabacadiisu u hir-gashay.
Qoraagu waxa uu si dhiiraanani ku dheehantahay u dhex-jibaaxayaa lama-taabtaanka "Hayb-sooca" inkasta oo sheeko mala-awaal ah uu xardhay, haddana waxa uu si farshaxanimo ku dheehantahay u soo tabinayaa Arrimo badan oo xidhiidh la leh Hayb-sooca, Beel-takoorka, Liidista, Quudhsashada iyo dhibaatada lagu hayo beelahaasi la dulmay ee Yibirka.
Gogol-dhiggu waa mid aad u kooban oo gumud ah laakiin miisan culus u leh sheekada. Waa dhawr sadar ah oo ka hadlaya khuraafaadka sida baahsan loo yaqaan ee Bucuur-bacayr iyo Sheekh Yuusuf Al-Kawnayn. Sidii looga guulaystay Bucuur bacayr iyo magtisii oo loogu tabiyay wiil kasta oo u dhasha Ajjiga! tafiirtiisuna (Yibirku) Qaataan oo hadeer loo yaqaan "sabaayada". Waa sida qoraaga buugu Hadalka u dhigaye.
Sheekadu waa mid ku saabsan Qoys Yibir ah iyo sida ay noloshoodu isu gadgadinayso. Geeddi ayaa socdaal gaaban ku tagay magaalada mala-awaalka ah ee Laas-Burgaabo (Laas-caano, Burco, Ceerigaabo) laakiin uma suurto-galin in uu soo laabto oo wadkii baa ku soo habsaday, caruurtii uu ka tagay ee Aamina iyo Cali Fajiciso ku noqotay. Curadii Aamina ayaa tunka u ridatay masuuliyada walaalkeeda kurayga ah iyo sidii ay uga oodi lahayd taariikhda aadka u xanuunka badan ee qoyskooda!.
Geeridii aabihiis kaddib, cali waxa uu ku baraarugay arrin ka xijaabnayd, Waa beesha uu ka dhashay iyo sida ay ugu takoorantahay bulshada inteeda kale. Gooni bay u dagaan, shaqooyin gaar ah bay qabtaan, dadka qaarkiina maba ogolla in ay geeriyooan karaan!. Cali waxbarashada ayuu aabihiis la jeclaa, waxana aad uga caawiyay dhinacaas Maamulaha Dugsiga.
Cali Himiladiisa uu odorosay ayaa mar qudha kala daatay markii uu waayeelay. In kasta oo markii uu kurayga ahaa loo jeclaa kartidiisa, dadaalkiisa iyo fahmadiisa, hadeer oo uu baaluqay dadku waxay arkaan nin yibir ah. Arintaas si uu uga hor tago waxa uu cali isku aa midaynta beeshiisa laakiin taasina sun kale ayay ku noqonaysaa. Cali noloshiisuba waxay noqotay kud ka guur oo qanjo u guur. Waxase ugu sii xanuun badnayd markii uu ka war helay taariikhda qoyskiisa ee gaar ahaan hooyadiis.
Sheekadu waa mid ina tusinasya wajjiyada haybsooca, sida qayaxan iyo sida dadban ee loo adeegsado. Rafaadka ay la kulmaan dadkaas aynu diinta, dubka,degaanka iyo dhaqankaba wadaagno. Nasiib-darro buugu waxa uu ku qoranyahay af aan ku haboonayn waxana wanaagsanaan lahayd in uu ku qoranyahay afka soomaliga si dhamaan bulshada soomaaliyeed u akhrisan karto.

No comments:
Post a Comment